Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka walaacsan weerarada Iran

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabi Mohammed bin Salman iyo Madaxweynaha United Arab Emirates Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa xalay wada-hadal dheer ku yeeshay telefoonka, iyagoo ka arrinsanayay xaaladda amni ee sii xumaanaysa ee dalalka Khaliijka.

Wadahadalkan ayaa yimid kadib weerarro ay Iran ku qaaday dalal ka tirsan Gulf Cooperation Council (GCC).

Sida ay baahisay Al Jazeera, oo soo xiganaysa warbaahinta rasmiga ah ee Sacuudiga, labada hoggaamiye ayaa weerarrada Iiraan ku tilmaamay “koror khatar ah” oo si toos ah u halis gelinaya amniga iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.

Labada dhinac waxay sidoo kale caddeeyeen in dalalka GCC ay sii wadi doonaan dhammaan dadaallada ay ku difaacayaan dhulkooda, isla markaana ay adeegsan doonaan awood kasta oo ay hayaan si loo ilaaliyo amniga gobolka iyo xasilloonidiisa.

Dhanka kale, dagaalka iyo xiisadda sii kordhaysa ayaa si weyn u saameeyay dhaqaalaha dalalka Khaliijka.

Waxaa sare u kacay qiimaha caymiska maraakiibta iyo kharashaadka gaadiidka badda, gaar ahaan maraakiibta mara marinada muhiimka ah ee shidaalka sida Strait of Hormuz.

Sidoo kale, suuqyada maaliyadeed ee gobolka ayaa wajahay hoos-u-dhac, halka shirkado badan oo caalami ah ay dib u qiimeyn ku sameynayaan maalgashigooda gobolka.

Khabiirada dhaqaalaha ayaa sheegay in haddii xiisaddu sii socoto ay khatar ku noqon karto ganacsiga shidaalka, dhoofinta, iyo maalgashiga caalamiga ah ee dalalka Khaliijka oo ah laf-dhabarta dhaqaalahooda.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles