Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ay Iiraan ka wareertay

Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda korontada ay shalay bartilmaameedsatay Iran.

Tani waa weerarkii afraad ee noocan ah muddo afar maalmood gudahood ah.

Wasaaradda Korontada, Biyaha iyo Tamarta La Cusboonaysiin Karo ee Kuweyt ayaa bayaan ay ku daabacday baraha bulshada ee X ku sheegtay:

“Iyada oo ay sii socoto gardarrada foosha xun ee Iran ee ka dhanka ah dowladda Kuweyt, dhowr xarumood oo koronto iyo warshado biyaha macaan ka dhiga ayaa la weeraray maalintii afraad oo xiriir ah, taasoo sababtay dab ka kacay qaar ka mid ah xarumahaas.”

Saacado ka hor, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran iyo ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa sheegay inay mar kale beegsadeen saddex saldhig oo milatari oo Mareykanku ku leeyahay Kuweyt.

Sida ku xusan qoraalkan, weerarradan ayaa dhacay kadib wareeggii tobnaad ee weerarrada Mareykanka uu ku qaaday Iran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles