Monday, July 20, 2026

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka mid ah ay  dhawaan kasoo muuqatay maxkamadda ciidamada qalabka sida, kaddib markii lagu helay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Lammaanahan, oo kala ah Abshir Aadan Maxamed iyo Xafso Maxamed Macallin, ayaa dhaliyay hadal-hayn badan, iyaga oo noqday sheeko xiiso badan oo baraha bulshada qabsatay. Abshir, oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab, ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, xilli ay gacanta kusoo dhigtay Xafso, oo la sheegay inay safar u ahayd deegaannada kooxdaasi maamusho si ay halkaas ugu guursato ninka ay jeceshahay.

Sida ay ilo-wareedyo dowladeed sheegayaan, saacadaha soo socda ayaa lammaanaha loo dhigi doonaa aroos ay si rasmi ah u garwadeynayso dowladda. Go’aankan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo xubnaha Al-Shabaab ee doonaya inay ka tanaasulaan fikirka xagjirka ah oo ay dowladda isku soo dhiibaan.

Abshir Aadan Maxamed ayaa marar hore  sheegay in jacaylka uu u qabo Xafso uu sababay inuu go’aansado ka bixitaanka kooxda, si uu uga badbaadiyo gabadha dambiga lagu heysto.

Sheekadooda oo si aad ah ugu faaftay baraha bulshada ayaa dhalisay dood xoogan, iyadoo dad badani siyaabo kale duwan kaga hadleen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, iyadoo ballanqaaday cafis iyo nolol ka duwan tan ay hadda ku jiraan.

Tallaabadan lagu guurinayo lammaanahan ayaa loo arkaa mid lagu muujinayo in dowladda ay isku dayeyso inay hesho habab cusub oo lagula tacaalo fikirka xagjirka ah, iyada oo adeegsanaysa awoodda jacaylka iyo cafiska si dhalinyarada loogu soo jiido nabadda.

Waxaa la filayaa in xafladda arooska ay ka qaybgalaan saraakiil ka tirsan dowladda, culimaa’udiin, iyo odayaal dhaqameed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles