Tuesday, March 3, 2026

Duqa muqdisho oo kulan muhiim ah la qaatay howlwadeeno adeeg bixin loo kordhiyay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah hawl-wadeennada Waaxda Caafimaadka.

Waaxdan ayaa lagu kordhiyay adeeg-bixinta dhanka caafimaadka illaa shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Hawl-wadeenadani waxay ka shaqeyn doonaan ka-war-qabka baahida caafimaad ee heer degmo, waax, laamo illaa xaafadaha.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshayaasha istaraatiijiga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku hawlgalayo ay saldhig u tahay in laga faa’iideysto dadka, dakhliga iyo deeqaha jira, si loogu fuliyo adeegyada bulshada, isla markaana aqoonta, itaalka iyo khibradda shaqaalaha Dawladda Hoose loo jiheeyo hawlaha wax-ku-oolka ah ee waxtar u leh dadka iyo deegaanka.

“Waxaan rabnaa in aan muujinno lahaansho dhanka adeegga caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah. Hawl-wadeennadani waxay si dhow ula socon doonaan duruufaha haysta hooyooyinka iyo dhallaanka ku nool caasimadda, si loo daadajiyo adeegga caafimaadka,” ayuu yiri Guddoomiye Dr. Muungaab, oo xusay in mudnaan iyo muhiimad weyn la siinayo horumarinta adeegga caafimaadka.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles