Duqa muqdisho oo kulan muhiim ah la qaatay howlwadeeno adeeg bixin loo kordhiyay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah hawl-wadeennada Waaxda Caafimaadka.

Waaxdan ayaa lagu kordhiyay adeeg-bixinta dhanka caafimaadka illaa shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Hawl-wadeenadani waxay ka shaqeyn doonaan ka-war-qabka baahida caafimaad ee heer degmo, waax, laamo illaa xaafadaha.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshayaasha istaraatiijiga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku hawlgalayo ay saldhig u tahay in laga faa’iideysto dadka, dakhliga iyo deeqaha jira, si loogu fuliyo adeegyada bulshada, isla markaana aqoonta, itaalka iyo khibradda shaqaalaha Dawladda Hoose loo jiheeyo hawlaha wax-ku-oolka ah ee waxtar u leh dadka iyo deegaanka.

“Waxaan rabnaa in aan muujinno lahaansho dhanka adeegga caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah. Hawl-wadeennadani waxay si dhow ula socon doonaan duruufaha haysta hooyooyinka iyo dhallaanka ku nool caasimadda, si loo daadajiyo adeegga caafimaadka,” ayuu yiri Guddoomiye Dr. Muungaab, oo xusay in mudnaan iyo muhiimad weyn la siinayo horumarinta adeegga caafimaadka.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles