Duqa Muqdisho oo Lacag Dhan $200,000 Ugu Deeqay Gurmadka Abaarta ka Taagan Gobolka Awdal

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo maanta kulan la qaatay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka oo laga soo doorto Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in laba boqol oo kun oo doollar uu ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaarta Awdal.

Mas’uuliyiintan ayaa Guddoomiyaha siiyey warbixin ku saabsan xaaladda murugsan ee abaarta ka taagan gobolkaas, iyo qeylo-dhaanta ba’an ee muddooyinkii dambe kasoo yeeraysay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Awdal.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo garwaaqsan muhiimadda isu-gurmashada ayaa ku dhawaaqay in Maamulka Gobolka Banaadir uu deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku bixinayo sidii looga qayb qaadan lahaa gurmadka degdegga ah ee loo fidinayo walaalaha dhibaateysan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Maamulkiisa iyo shacabka Gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin garab-istaagga walaalahooda ku sugan Awdal, waxaana uu xusay in deeqda lacageed ee uu yaboohay lagu wareejin doono Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) si loogu fuliyo gurmadka naf-badbaadin ee looga baaqsanayo in aafadu sii baahdo, oo ay salfato nolosha dad Soomaaliyeed

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles