Friday, October 24, 2025

Duqeymo diyaaradeed oo lagu dilay Xubno ka tirsan Daacish

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan duqeymo culus oo xagga cirka ah, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay qaybo ka mid ah Gobolka Bari ee Puntland. Duqeymahan oo si gaar ah uga dhacay aagga buuraha Calmiskad, ayaa la sheegay in ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxaha Daacish.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo rasmi ah iyo dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijinaya in xalay duqeyn culus lala beegsaday maleeshiyaadka Daacish, kuwaas oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Shebaab, oo ka tirsan isla aagga buuraleyda Calmiskad.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland, duqeymaha waxaa lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo intooda badan la sheegay inay ahaayeen ajaaniib.

Intaa waxaa dheer, warbixinta Puntland waxay caddeynaysaa in sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan, oo ay Daacish isticmaalayeen.

Bayaanka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in laba duqeyn oo kala duwan lagu qaaday bartilmaameedyo muhiim ah oo ay kooxda Daacish ku sugnaayeen.

“Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey deegaanka Shebaab ee buuraleyda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Daacish ah oo Ajaanib u badan, iyadoo la gubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir iyo Dhul.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxau Puntland.

Duqeymihii xalay dhacay ma ahan kuwii ugu horreeyay ee ka dhaca Gobolka Bari ee Puntland, balse waxay qayb ka yihiin howlgallo muddooyinkii dambe socda, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Daacish ee ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ah.

Ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in duqeymihii horey u dhacay ay sidoo kale lagu dilay tiro badan oo dagaalyahanno ah, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ajaanib ah.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray kooxda Daacish ee Puntland, hase yeeshee, saraakiisha amniga waxay tilmaamayaan in weeraradan ay dhabbaha u xaarayaan dabargoynta Daacishta ku sugan gobolka.

WARARKII KALE

Turkiga oo isku qalabaynaya diyaarado dagaal oo casri ah

Turkiga oo qorsheynaya inuu ka iibsado nidaamyada difaaca ee...

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo sheegay in gabagabo marayaan howshii diiwaangalinta

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan  ayaa sheegay...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo shaaciyay go’aan adag oo ka dhan ah isticmaalka Daroogada

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Aadan,...

Mascow oo Wajahaysa caddaadis ugu imaanaya reer Galbeedka

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey shir-madaxeedkii Brussels Khamiistii...

Mareykanka ayaa bilaabay qorshe cafis loogu fidinayo maleeshiyaadka Qaza ee hubka dhiga

Dowladda Mareykanka ayaa billowday qorshe cusub oo ay ku...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles