Tuesday, February 10, 2026

Duqeymo diyaaradeed oo lagu dilay Xubno ka tirsan Daacish

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan duqeymo culus oo xagga cirka ah, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay qaybo ka mid ah Gobolka Bari ee Puntland. Duqeymahan oo si gaar ah uga dhacay aagga buuraha Calmiskad, ayaa la sheegay in ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxaha Daacish.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo rasmi ah iyo dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijinaya in xalay duqeyn culus lala beegsaday maleeshiyaadka Daacish, kuwaas oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Shebaab, oo ka tirsan isla aagga buuraleyda Calmiskad.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland, duqeymaha waxaa lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo intooda badan la sheegay inay ahaayeen ajaaniib.

Intaa waxaa dheer, warbixinta Puntland waxay caddeynaysaa in sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan, oo ay Daacish isticmaalayeen.

Bayaanka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in laba duqeyn oo kala duwan lagu qaaday bartilmaameedyo muhiim ah oo ay kooxda Daacish ku sugnaayeen.

“Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey deegaanka Shebaab ee buuraleyda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Daacish ah oo Ajaanib u badan, iyadoo la gubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir iyo Dhul.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxau Puntland.

Duqeymihii xalay dhacay ma ahan kuwii ugu horreeyay ee ka dhaca Gobolka Bari ee Puntland, balse waxay qayb ka yihiin howlgallo muddooyinkii dambe socda, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Daacish ee ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ah.

Ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in duqeymihii horey u dhacay ay sidoo kale lagu dilay tiro badan oo dagaalyahanno ah, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ajaanib ah.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray kooxda Daacish ee Puntland, hase yeeshee, saraakiisha amniga waxay tilmaamayaan in weeraradan ay dhabbaha u xaarayaan dabargoynta Daacishta ku sugan gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo isagoo wata ciidamo cusub ka soo degay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta...

Axmed Madoobe oo ka soo degay Muqdisho, isagoo wata ciidan hubeysan

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa...

NISA oo xog ka bixisay Maxamed Sahal Iidle horjooge sare AS ee la dilay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Diyaarad ku dhacday garoonka Muqdisho

Diyaarad kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay ku dhacday...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay dilka afar muwaadin

Waxaa dil toogasho lagu fuliyay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed (oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles