Xabbad-joojinta Gaza oo laga baqayo in ay burburto

Wasiirka Gashaandhiga Israa’iil ayaa Arbacadi wacad ku maray, in cadaab daran oodda laga qaadi doono, haddii Xamaas ay ku guul-darreysato sii deynta la heystayaasha dhammaadka todobaadkan.

Tani ayaa ah hanjabaadi u danbeysay ee ka dhan ah Xamaas oo kasoo baxda Isra’aail, xilli dhex-dhexaadiyaasha ay ku dadaalayaan sidi ay u badbaadin lahaayeen heshiiska 42-ka maalin ah ee ay kala dhex dhigeen Israa’iil iyo Xamaas.

Muranka cusub ee halista ku noqday heshiiska xabbad-joojinta labada dhinac ayaa soo shaac baxay, kaddib marki ay Xamaas ku eedeysay Isra’il in ay jebisay qaar ka mid ah ballan-qaadyadii ay sameysay, oo ay ku jiraan in teendhooyin la gaarsiiyo barakacayaasha Gaza, in gargaarka lasoo geliyo iyo arrimo kale.

Xamaas waxay sheegtay in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha la filayay in Isra’il loo gacan geliyo Sabtida soo socota.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ka digay, in haddii aan la soo deynin la-haystayaasha Israa’iil ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmad oo ka wada hadlay Xaalada Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo hal...

Ciidamada Badda Puntland oo weeraray markabka Honour 25

Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday markabka HONOUR 25,...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan...

Booliiska Baydhabo oo qabtay rag lagu eedeeyay Al-Shabaab

Booliiska degmada Baydhabo ayaa sheegay in howlgal ay gudaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles