Tuesday, May 19, 2026

Duqeymo iyo dagaalo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee G/Sh/Dhexe

Wararka ka imaanaya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in xalay ahaa duqeymo culus lagu beegsaday gudaha degmadaasi, gaar ahaan goobo la tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday godad iyo fadhiisimo ay kooxda Al-shabaab ku lahaayeen degmada, hase yeeshee wali si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Duqeynta ayaa ku soo beegmaysa kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal, kaas oo la sheegay inuu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo gaaray labada dhinac. Wararka la helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen dagaalkaasi, iyadoo khasaaraha ugu badan uu gaaray dhinaca Al-shabaab.

Ciidamo gurmad ah oo ka kala baxay degmooyinka Moqokori, Maxaas iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa gaaray duleedka Aadan Yabaal. Ciidamadan ayaa kaabaya kuwa dowladda iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu xoreynayo degmada iyo nawaaxigeeda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in kooxda Al-shabaab laga saaro Aadan Yabaal, isla markaana la sugo ammaanka guud ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Dagaal xooggan ayaa saacadihii u dambeeyay ka socday xadka u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku beegsanayaan xarumo kale oo ay Al-shabaab ku leeyihiin aaggaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa...

DFS oo la safatay Sacuudiga, kana hadashay weerarkii lagu qaaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay isku...

Maxaa Ka Jira Khilaafka u Dhexeeya Maxkamadda Sare iyo Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya?

Waxaa cirka isku shareeray jahwareerka siyaasadeed ee hareeyay Dowlad...

Golaha wasiirada oo isku raaci waayay dhaqan gelinta Dastuurka ay ansixisay DFS

Golaha wasiirrada xukuumadda oo shalay yeeshay kulan deg-deg ah,...

Beesha Caalamka iyo Mucaaradka oo Xalane ku kulmaya

Xubnaha Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles