Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland, kuwaas oo wararka hordhaca ahi sheegayaan inay saldhigyo iyo difaacyo ku lahaayeen kooxaha Daacish.
Duqeymaha oo dhacay habeenimo ayaa lagu garaacay goobo istiraatiiji ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku hor-fadhiyay Ciidamada Difaaca Puntland, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka.
Weerarka ayaa ahaa mid isdaba-joog ah, isla markaana lagu bartilmaameedsaday difaacyada Daacish ee ku yaalla togga Baalade, halkaas oo Puntland ay ka waddo wajiga ugu dambeeya ee howlgalka ka dhanka ah kooxda, gaar ahaan gudaha buuraha Calmiskaad.
Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaan weli ka hadlin duqeyntan, balse waa duqeyntii labaad ee muddo kooban lagu beegsado xubno ka tirsan Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.
Howlgalka Puntland ay ka waddo Baalade iyo Calmiskaad ayaa loo arkaa mid ka mid ah dadaallada ugu xooggan ee lagu wiiqayo awoodda Daacish ee woqooyi-bari Soomaaliya.


