Nabadoon Cumar Cabdillaahi Cabdi, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Badhan, ayaa galabta ku geeriyooday duqeyn ay fuliyeen diyaarado dagaal aan la aqoonsan cidda iska leh, balse loo maleynayo inay leeyihiin Imaaraadka Carabta.
Nabadoonka ayaa la sheegay inuu kasoo baxay degmada Ceel-buh isagoo wata gaarigiisa gaarka ah, waxaana la socday nin aan si fiican loo aqoonsan oo saddex habeen la joogay degaankaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay warbaahinta in labadooduba ay ku dhinteen duqeynta, iyadoo aan la ogeyn bartilmaameedka rasmiga ah ee weerarkaasi.