MW Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarunta Taliska Sahanka iyo Sirdoonka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo loo dhisay qaab casri ah, si loo xoojiyo awoodda difaaca iyo sugidda amniga Qaranka.

Madaxweynaha ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku tilmaamay xaruntan astaan muujinaysa dadaallada dowladdu ku bixisay dhismaha hay’adaha difaaca, isagoo xusay in tignoolajiyada lagu qalabeeyay ay si weyn u caawin doonto hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed ee Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaalkooda joogtada ah, isagoo tilmaamay in horumar kasta oo la gaaro uu astaan u yahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamadooda.

Intaas kaddib, Madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu ku dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha ay Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga Shacbiga ah ay ka soo hooyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidanku jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles