Friday, January 30, 2026

Duqeyn ka socda degmada Galcad ee G/Galgaduud

Diyaarad dagaal ayaa maanta waxaa ay duqeyn ka wadaan duleedka degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, halkaasi oo la sheegay inay ku sugan yihiin  dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta lagu beegsaday saldhig sida la tilmaamay ay joogeen xubno kamid ah Al-Shabaab, isla markaana waxaa duqeyntaasi ka dhacday duleedka degmada Galcad ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in goobaha kale ee la duqeeyay ay mid yihiin halka loo yaqaano Kaydka Degmada Galcad oo ah goob muhiim ah oo ay ku yaalaan ila biyo oo Durdur ah wiligoodna aanan gurin.

Sidoo kale waxaa ku yaala Kaydka biyaha ee dhamaan biyaha siiya Degmada, in kastoo waayahii dambe ay xero u aheed Maleeshiyaadka  Al-shabaab.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay duqeymaha ka socda degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya  in ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa ay ka socdeen gobollada dhexe ee dalka, kuwaasi oo la doonayo Al-shabaab looga saaro meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Axmed Madoobe oo ka adkaaday Xasan Sheekh iyo Waaranka oo laga laabtay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday...

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka...

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Keyd Miinooyin ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Jabad Godane

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd...

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda bakhaarkii la jabsaday, dibna u fasaxay gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo MW Xasan Sheekh ugu digay in BF ku caddaadiyo meelmarinta Dastuurka

Goluhu wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles