Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana leeyahay dalka Spain, ayaa badbaadiyay ugu yaraan 32 qof oo muhaajiriin ah, kuwaas oo isugu jira 27 rag ah iyo 5 dumar ah, xilli ay ku jireen xaalad halis ah oo ka jirtay badda Mediterraneanka.

Muhaajiriintan ayaa ka kala yimid dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Somalia, Cameroon, Eritrea, Mali, Burkina Faso, Nigeria, Ghana, iyo Côte d’Ivoire.

Dadka la badbaadiyay waxaa ka mid ahaa haweeney uur leh oo siddeed bilood ah iyo sagaal carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 2 ilaa 15 sano, kuwaas oo wajahaya xaalad nolol iyo geeri u dhaxeysay.

Tahriibayaashan ayaa saarnaa doon yar oo buufin ah oo ka sameysan bac, taasoo muddo laba maalmood ah ku dhex jirtay badda iyada oo aan lahayn hage ama jihayn cad. Sida ay sheegtay hay’adda Salvamento Marítimo Humanitario (SMH), doonida ayaa ku jirtay xaalad aad u halis badan xilliga la helay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku xaqiijiyeen in dhammaan dadka la socday doonida si nabad ah loo badbaadiyay, taasoo ka hortagtay musiibo bani’aadamnimo oo weyn.

Kabtanka markabka Aita Mari ayaa sheegay in howlgalka samatabbixinta uu dhacay qiyaastii 7:32 subaxnimo, Axaddii, kadib markii ay heleen wargelin degdeg ah oo ku saabsan doon dhibaato ku jirta.

Muhaajiriinta la badbaadiyay ayaa hadda loo sii qaaday dekedda Vibo Valentia ee gobolka Calabria, dalka Italy, halkaas oo la filayo inay gaaraan Talaadada, si gargaar iyo daryeel caafimaad loogu sameeyo.

WARARKII KALE

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles