Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag uga falceliyay go’aankii ka soo baxay maamulkaasi ee lagu jaray xiriirka uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay.

Sidoo kale, waxay eedeyn u jeediyeen hoggaanka maamulka Koofur Galbeed, gaar ahaan madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyagoo ku eedeeyay inuu ku kacay falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isla markaana uu wiiqay nidaamka dimuqraadiyadeed iyo dowladnimada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa aan ugu baaqeynaa inay si degdeg usoo farageliso arrimaha ka taagan dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya maadaama firaaq maamul uu halkaasi kajiro degdegna ugu qabataa doorasho dadka deegaanku heshiis kuyihiin si loo ilaaliyo nidaamka dowladnimo iyo amniga deegaanada.”ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles