Saturday, February 21, 2026

Duqeyn lagu dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan AS oo ka dhacay Jubbada Hoose

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo qorshaysan ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Duqeymaha ayaa daba socday howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa sifeynta goobaha ay kooxaha argagixisada ku dhuumaaleysanayeen.

War rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in duqeyntii iyo howlgaladii xigay lagu dilay illaa 20 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay tuulooyinka Yiireey, Malaalyleey, Janaal-jaay, iyo Muuse Xaaji, kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen saldhigyo iyo gabbaadyo ay hore ugu adeegsan jireen kooxaha argagixisada.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay burburiyeen godadkii iyo xarumihii ay Al-shabaab ku dhuumaaleysanayeen, islamarkaana ay ku guuleysteen in ay xoreeyaan deegaano muhiim ah oo horey ugu jiray gacanta kooxda.

Sidoo kale, howlgalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya dhanka duqeymaha cirka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay khaarijinta horjoogayaasha kooxda.

Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga hubinayo in gebi ahaanba laga cirib tiro kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab deegaanadaas.

WARARKII KALE

Baarlamaanka oo maanta ka bilaabay ka doodista cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta...

Xiisad dagaal oo ka soo cusboonaatay xuduuda Itoobiya iyo Eritrea

Xiisad amni oo sii kordheysa ayaa laga dareemayaa waqooyiga...

Hoggaanka Golaha Mustaqbalka oo ka shiraya mowqifkooda ku aadan doorashooyinka

Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa maanta shir ku...

WFP”Gargaar cunto oo malaayiin Soomaali ah badbaadiya halis ayuu ku jiraa”

Hay’adda World Food Programme (WFP) ee Qaramada Midoobay ayaa...

Trump oo ka horyimid go’aanka maxkamada sare ee Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo rogay cashuur cusub...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles