WFP”Gargaar cunto oo malaayiin Soomaali ah badbaadiya halis ayuu ku jiraa”

Hay’adda World Food Programme (WFP) ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in barnaamijyadeeda gargaar ee badbaadiya nolosha malaayiin qof ay istaagi karaan toddobaadyada soo socda, haddii aan si degdeg ah loo helin dhaqaale lagu sii wado kaalmada cuntada iyo nafaqada degdegga ah ee Soomaaliya.

Ross Smith, Agaasimaha Diyaargarowga iyo Ka-jawaabista Gurmadka Degdegga ah ee WFP, ayaa sheegay in ku dhowaad laba milyan oo carruur ah oo ku nool Soomaaliya ay la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an. Wuxuu xusay in dalka uu wajahayo mid ka mid ah dhibaatooyinka gaajada ee ugu daran sanadihii u dambeeyay, taasoo ka dhalatay roob yari soo noqnoqotay, colaado sii kordhaya iyo hoos u dhac ku yimid maalgelintii bani’aadamnimo.

Sida uu sheegay, dhaqaale xumida jirta waxay ku qasabtay WFP inay si weyn u dhinto tirada dadka helaya gargaarka cuntada degdegga ah. Tiradaas oo ahayd 2.2 milyan oo qof horraantii 2025 ayaa hadda hoos ugu dhacday wax ka badan 600,000 oo qof oo keliya taasoo la micno ah in hal qof oo keliya laga caawinayo toddobadii qof ee u baahan gargaar si ay u noolaadaan.

Sidoo kale, barnaamijyada nafaqada ee loogu talagalay haweenka uurka leh, kuwa nuujinaya iyo carruurta ayaa si weyn loo dhimay. Tirada ka faa’iideysanaysay ayaa ka soo degtay 400,000 bishii Oktoobar 2025 ilaa 90,000 bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Mas’uulkan ayaa ka digay in xaaladdu si xawli ah uga sii darayso, iyadoo qoysas badan ay lumiyeen ilihii nolol-maalmeedkooda, taasoo ku riixaysa inay qarka u saaran yihiin macaluul.

Ugu dambayn, hay’addu waxay sheegtay in si degdeg ah loogu baahan yahay 95 milyan oo doolar si loo sii wado taageerada dadka ugu nugul inta u dhexeysa Maarso iyo Agoosto 2026. Waxay ka digtay in haddii aan la helin dhaqaalahaas, gargaarka bani’aadamnimo ee ay ka waddo Soomaaliya uu istaagi karo bisha Abriil ee soo socota.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles