Wednesday, July 8, 2026

Hoggaanka Golaha Mustaqbalka oo ka shiraya mowqifkooda ku aadan doorashooyinka

Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Muqdisho, iyaga oo ka arrinsanaya mowqifkooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulankan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro qorshaha ay goluhu ka qaadanayaan nooca doorasho ee la qabanayo, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadeed ee ku saabsan habraaca doorashada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed  ay falanqeyn doonaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo kuwa heer federaal, iyo sida loo gaari karo hannaan ay ku mideysan yihiin dhinacyada siyaasadda, si looga fogaado jahawareer siyaasadeed iyo dib u dhac doorasho.

Shirka maanta ayaa imanaya xilli ay wali socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed oo dhameystiran, kaas oo lagu xallinayo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, oo ka bilaabma dowladaha hoose, kuna fida dowlad-goboleedyada, uguna dambayn dowladda dhexe, halka Mucaaradka ay soo jeediyeen in la qabto doorashooyin dadban, iyadoo marka hore laga bilaabayo dowlad-goboleedyada aan weli gelin doorashooyinka, ka hor inta aan la gaarin heer federaal, isla markaana arrintan la dhammaystiro ka hor bisha May.

Khilaafka taagan ayaa muujinaya caqabadaha weli hor taagan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Dekadaha oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeer ku sameeyay ciidamada Shabeellada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha...

Booliska Kenya oo adkeeyay ammaanka Nairobi ka hor dibadbaxyada iyo Baarlamaanka oo la hareereeyay

Booliska Kenya ayaa dhigay xannibaado iyo baro kontorool waddooyinka...

Wadahadalo u furmaya DF iyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhex dhexaadinaysa

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles