Tuesday, March 3, 2026

Duulimaadyadii Afgaanistaan ayaa hakad galay ka dib markii internet-ka la xiray

Garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka Afgaanistaan ​​ayaa hakad ku jira iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayo xanibaad dhanka Internetka ah oo dalkaasi oo dhan ay kusoo rogtay dowlada Talibanka.

Taalibaan wali ma aysan sheegin sababta rasmiga ah ee go’aankan oo dhaqan galay isniintii, balse waxa ay sheegeen in uu sii socon doono ilaa amar dambe.

Isgaarsiinta gudaha Afgaanistaan, iyo tan dunida kale, ayey si aad u saameeysay, sidoo kale waxaysaameyn ku yeelatay adeegyada muhiimka ah – oo ay ku jiraan bangiyada iyo lacag-bixinta – iyo helitaanka waxbarashada dhanka internetka ah, oo nolosha u ah haween iyo gabdho badan.

Gegida dayuuradaha ee caasimadda Kabul, ayaa dhanka kale “ku dhawaatay cidlo”, sida uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka, iyadoo aanay jirin wax caddayn ah oo muujinaya in diyaaraduhu soo degeen ama ka duulayaan.

Adeegga daba-galka duulimaadka Flightradar24 ayaa muujiyay in duullimaadyo koobnaa oo imanayey iyo kuwo baxayay Talaadadii la joojiyay. Kuwo kale oo badan ayaanay xaaladodu caddeys.

Mid ka mid ah rakaabka oo qorsheynayay inuu u duulo garoonka caalamiga ah ee Kabul Talaadadii ayaa loo sheegay ina aanu jiri doonin wax duulimaad ah ilaa Khamiista.

Qof kale oo dadka deegaanka ah ah ayaa sheegay in dhammaan duullimaadyadii ka imanayey garoonka diyaaradaha ee Kabul la joojiyay lagasoo bilaabo fiidnimadii Isniinta.

Waxa uu intaa ku daray in nolosha Kabul ay u muuqato mid iska caadi ah, balse waxa uu intaa ku daray in gabi ahaanba dalka oo dhan aanay ka jirin wax isgaarsiin ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles