DF iyo Mucaaradka oo la filayo inay dib ugu laabtaan wadahadal, kadib cadaadis caalami ah

Warar la helayo ayaa muujinaya in Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka, ay si rasmi ah ugu biireen dadaallada lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mucaaradka.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho ayaa la sheegay inay hoggaaminayaan dedaalladan cusub.

Ujeeddadooda ugu weyn ayaa ah in dhinacyada la isu keeno, laguna qanciyo inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka, si looga heshiiyo arrimaha muranka badan dhaliyay sida doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka.

Xalay, xubnaha Madasha Mucaaradka ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga arrinsadeen dalabka iyo fariimaha ka yimid Qaramada Midoobay iyo Mareykanka.

Sida xogaha ay sheegayaan, Mucaaradka ayaa muujiyay diyaar garow ay ku dhageysanayaan talooyinka beesha caalamka, inkastoo ay ku adkeysteen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si cad uga tanaasulo qorsheyaal lagu sheegay kordhin xil.

Dhanka kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay soo dhaweysay fariimaha iyo baaqyada ka imaanaya beesha caalamka, taas oo muujineysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud diyaar u yahay in dib loogu laabto miiska wadahadalka haddii la helo hannaan dhaxal gal ah oo lagu gaari karo is-afgarad.

Xogaha la helayo waxay tilmaamayaan in ay jirto suuragalnimo weyn oo ah in dhowaan la qabto kulan fool ka fool ah oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha Madasha Mucaaradka.

Kulankaas ayaa noqon kara mid go’aan ka gaaro xasaradda siyaasadeed ee taagan, maadaama labada dhinac ay ka mideysan yihiin in lagu sii socon karin xaaladda qalafsanaan iyo is-maandhaaf joogto ah.

Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa ku jira kaalinta fududeynta iyo cadaadiska diblomaasiyadeed, si loo hubiyo in aanay mar kale dhicin xaalad la mid ah tii 2021-kii oo kordhinta xilka iyo doorashooyinka ka dib dhalisay rabshado iyo xiisad weyn.

Dadaalladan socda ayaa loo arkaa fursad cusub oo ay labada dhinac ugu laaban karaan wadahadal dhab ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles