Sunday, March 15, 2026

Eritrea dalkeeda ka mamnuucday duulimaadyada Ethiopian Airlines

Dowladda Eritrea ayaa dalkeeda ka mamnuucday duulimaadyada diyaarada Ethiopian Airlines,  kaddib markii lagu eedeeyay in diyaarada ay xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda.

Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritrea , ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in dalkooda laga mamnuucay in duulimaad ku yimaadaan diyaarada Ethiopian Airlines, waxaana go’aankan qaateen kaddib markii ay u caddaatay in xadgudubyo  sameesay diyaaradda.

“Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn Karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo aynu aragnay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Eritrea.

Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay isku dayeen in ay dhibaatooyinka ay ku kacday Ethiopian Airlines xalliyaan iyaga oo xiriir la sameeyay diyaaradda, balse in aysna suuragalin ayay ku sheegeen warka ay soo saareen.

“Marar badan ayaan xasuusinay diyaaradda Ethiopia Airlines in ay xaliyaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay laakiin wax natiijo ah kama aysan dhalan,” ayaa ;agu yiri warka ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ee Eritrea.

Hay’adda Duulista dowladda Eritrea ayaa ku wargalisay rakaabka dalkooda u dhashay  ee qorsheynaya in ay isticmaalaan diyaaradda Itoobiya, wixii ka dambeeya 20 ka bisha September in ay wax ka sii badalaan qorshahooda xilli hore.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo magacawday Afhayeen cusub una diyaar garowday dagaal

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi...

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran Hindiya

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Dilka Askari Ka Tirsanaa Booliiska Puntland oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca waqooyi, lagu...

Khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay MW Xasan Sheekh iyo Lafta Gareen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf siyaasadeed oo...

Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish

Wang Yi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee China, ayaa kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles