Thursday, February 6, 2025

Eritrea dalkeeda ka mamnuucday duulimaadyada Ethiopian Airlines

Dowladda Eritrea ayaa dalkeeda ka mamnuucday duulimaadyada diyaarada Ethiopian Airlines,  kaddib markii lagu eedeeyay in diyaarada ay xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda.

Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritrea , ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in dalkooda laga mamnuucay in duulimaad ku yimaadaan diyaarada Ethiopian Airlines, waxaana go’aankan qaateen kaddib markii ay u caddaatay in xadgudubyo  sameesay diyaaradda.

“Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn Karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo aynu aragnay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Eritrea.

Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay isku dayeen in ay dhibaatooyinka ay ku kacday Ethiopian Airlines xalliyaan iyaga oo xiriir la sameeyay diyaaradda, balse in aysna suuragalin ayay ku sheegeen warka ay soo saareen.

“Marar badan ayaan xasuusinay diyaaradda Ethiopia Airlines in ay xaliyaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay laakiin wax natiijo ah kama aysan dhalan,” ayaa ;agu yiri warka ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ee Eritrea.

Hay’adda Duulista dowladda Eritrea ayaa ku wargalisay rakaabka dalkooda u dhashay  ee qorsheynaya in ay isticmaalaan diyaaradda Itoobiya, wixii ka dambeeya 20 ka bisha September in ay wax ka sii badalaan qorshahooda xilli hore.

 

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles