Tirada dadkii ku dhibtay Dhul go’a ka dhacay toobiya oo gaartay 230 ruux

Kooxaha gurmadka ayaa ilaa hadda soo saaray meydadka 229 qof oo ku dhintay laba dhul go’ oo ka dhacay deegaan ku yaalla koonfurta Itoobiya, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan dadka deegaanka.

Dhul go’a ayaa dhacay fiidnimadii Axadda iyo subaxnimadii Isniinta, kadib markii roobab xooggan ay ka da’een dhulka buuraleyda ah ee aan la geli karin ee Gofa.

Maamulka deegaanka ayaa sheegay in baadigoobka dad nool uu “socdo” balse “tirada dhimashadu ay wali sii kordhi karto”.

Sawirro ayaa muujinayay boqollaal qof oo isugu soo baxay goobta iyo qaar kale oo dhoobada qodaya si ay u helaan dad dhoobada ku hoos jira.

Madaxa maamulka deegaanka Gofaa, Dagmaawi Ayele, ayaa BBC u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan dad waaweyn iyo carruur, halka 10 qof oo nolol lagu soo badbaadiyayna lagu daweynayo isbitaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles