Bananbaxyo dad ku dhinteen oo ka dhacay Bangladesh

Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo xukuumadda halkaas ka jirta ayaa guud ahaan ka socda dalka Bangladesh.

Muddaharaadadan ayaa dhaliyay isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo ardayda jaamacadaha.

Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhintay – qaar ka mid ah dadka wax ku noqday ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen.

Mid ka mid ah ardayda ayaa sheegay in dibadbaxayaasha caasimadda Dhaka ay doonayeen oo kaliya in ay qabtaan isu soo bax nabadeed, balse booliiska ay “burburiyeen” iyaga oo weeraray xilli ay isku uruursanayeen goob ku taal magaaladaas.

Mid ka mid ah horjoogayaashii ardayda ooh adda ku sugan cisbitaalka kana soo kabanaya wixii hore u gaadhay ayaa isna ka sheekeeyey sida ay indhaha uga xidheen oo ay u jidhdileen dad sheeganaya in ay boolis yihiin.

Dhanka kale, dhaqtar ka tirsan qeybta gargaarka deg-degga ah ayaa sheegay in ay buux dhaafiyeen goobtaas tobaneeyo dhallinyaro ah oo dhaawacyo ka soo gaadhay rasaas lala dhacay kuwaas oo laga keenay goobaha iska hor imaadyadu ka dhaceen.

Dalwadda ayaana ku eedaynaysa mucaaradku in ay ka danbeeyeen hawshan, xilli aad looga deyrinaya awoodda xaddhaafka ah ee boolisku dadka shacabka ah u isticmaalayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh oo warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirrada Turkiga iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka...

Wafdiga waan-waanta wada oo la kulmay A/Madoobe

Wafdi qeyb ka ah dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed...

Turkiga oo si weyn ugu dhex milmay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin ay ka qortay...

Uganda iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrinta AUSSOM

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka...

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles