Monday, May 12, 2025

Gudiga Doorashooyinka Puntland oo soo bandhigay Natiijada doorashada laba Degmo

Guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland ee PEC ayaa shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashada degmooyinka Dangoroyo iyo Godobjiraan ee gobolka Nugaal.

Xisbiga Kaah ayaa xildhibaannada golaha degaanka degmada Dangoroyo ka helay 9 xubnood halka xisbiga ku soo xiga ee SINCAD uu helay 6 xubnood sida uu sheegay guddiga doorashada.

Sidoo kale  Xisbiga Horseed  wuxuu  helay 5 xildhibaan halka xisbiga Mideeye helay 3 xildhibaan waxaana ku xiga xisbiga RUNCAD oo helay 2 xubnood halka xisbiyada Shaqaalaha iyo Ifiye heleen min hal xubin.

Xisbiga Kaah ayaa dhinaca kale degmada Godobjiraan ka helay 7 xildhibaan halka xisbiga Horseed ka helay 6 xildhibaan waxa ku soo xiga xisbiga Mideeye oo haysta 5 xildhibaan halka SINCAD uu ka helay 2 xildhibaan Ifiyana hal xubin.

Sidoo kale Natiijadan  la shaaciyay ee labada degmo (Dangoroyo iyo Godobjiraan) ayaa muujinaya in uusan jirin xisbi helay aqlabiyad uu keligii ku dhiso gole degaan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Hadaf keenun Waa Doorasho Qof iyo Cod Ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

DFS iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudi Carabi

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446...

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii...

Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles