Wednesday, April 1, 2026

Faahfaahin dagaal ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Muqdisho

Wararka laga helayo deegaanka ceelasha biyaha ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda Al-shabaab weerar ay ku qaaday saldhiga ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida  ay ku leeyihiin halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada in ay iska difaaceen dableyda  weerarka kusoo qaaday kadib dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac.

Waxaa lasoo warinayaa in khasaaro xoogan kooxda AS lagu garsiiyey weerarka ay ku soo qaadeen saldhiga ciidamada dowladda  ee deegaanka ceelasha biyaha.

Sidoo kale waxaa helnay warar sheegaya in rasaasta ay is weydaarsadeen kooxda Al-shabaab iyo ciidanka dowladda  ay waxyeelo gaarsiisay dadka deegaanka walaw aan la xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay.

Wararkii ugu dambeyey ayaa sheegaya in ciidanka ay wadaan howlaglo amniga lagu xaqiijinayo kadib weerarka lagu soo qaaday.

Mudooyinkii dambe kooxda AS ayaa laba jibaartay weeararada ay la beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowlada taasi oo loo sababeeyey in ay yaraadeen weearardii ciidan ay ku qaadi jireen goobaha ay ku dhuumaaleystaan xubnaha kooxda Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo & wafdi uu hagaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo

Wefdi uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha...

RW Xamsa oo sheegay in DFS ay la wareegtay amniga Baydhabo

Ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay ka...

Iiraan oo weerartay Markab shidaal sida oo laga leeyahay Kuwayd

Dowladda Kuwayd ayaa sheegtay in Iiraan ay beegsatay mid...

Ciidamo Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay Lubnaan

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in afar askari la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles