Madaxweyne Ciro oo weerar afka ah ku qaaday RW Xamsa

Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Ciro oo maanta la hadlayay Golaha wakilada ee Soomaaliland ayaa weerar afka ah ku qaaday R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bari, oo maalmo ka hor safar ku tagay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Cirro ayaa sheegay in R/wasaare Xamsa uu ku xadgudbay madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliland, islamarkaana wixii ka yimaado uu isaga qaadi doono, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweyne Ciro ayaa ka digay in socdaalka R/wasaare Xamsa uu sababi karo khalalaasi iyo dagaal sokeeyi uu ka dhaca deegaanada Bariga Gobolka Sool, isagoona ku goodiyay in Soomaaliland ay awood u leedahay in ay iska difaaci karto cid kasto oo ku soo xadgudubta.

Ciro ayaa sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka uu ku wargelinayo in Soomaaliland ay sii wadayso dadaaleenta nabadeynta, walaaleenta iyo deris wanaaga, balse gardaro kasto ay iska difaacayso, waa sida uu sheegay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay magaalada New York Dhigiisa Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac...

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles