Sunday, June 1, 2025

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Aadan Yabaal

Ciidamada deegaanka Mabaax, oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa qaaday weerar qorsheysan oo culus oo lagu beegsaday kooxo ka tirsan Khawaarijta oo is uruursanayay agagaarka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka, oo si qorsheysan loo diyaariyay, ayaa sababay dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay, kaasoo saraakiisha hoggaaminayay ay ku tilmaameen “guul weyn.” Waxaa la xaqiijiyay in tiro badan oo Khawaarij ah lagu dilay halkaas, iyadoo qorshihii cadowgu lahaa si buuxda loo fashiliyey.

Goobta dagaalka oo ku taalla inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal ayaa haatan ah mid ay yaallaan meydad badan oo Khawaarij ah, iyadoo weli la wado qiimeyn ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee la gaarsiiyay cadowga.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dagaalka joogtada ah ee lagu dabar-goynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dhexe, waxayna xuseen in ay sii wadayaan hawlgallo nadiifin ah oo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaas.

Dowladda Federaalka iyo ciidamada deegaanka ayaa isku duuban, iyagoo sii xoojinaya la dagaallanka argagixisada si dalka looga suuliyo kooxaha nabadda diidan.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles