Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale u baaqday kooram la’aan, kaddib markii tiro badan oo xildhibaano ah ay ka maqnaayeen kulanka.
Xildhibaano badan ayaa weli ku sugan magalada Muqdisho, hase yeeshee aan ka qeybgelin fadhiyada Baarlamaanka, taasoo sababtay in aan la helin tiradii sharciyeysay ee lagu guda geli lahaa ajandaha maanta.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada Mucaaradka iyo Muxaafadka ee ka maqan kulanka maanta ay kamid yihiin xubno caan ah, oo ay ku jiraan Wasiiro iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa fariin adag u diray xildhibaanada ka baaqda fadhiyada, isagoo ku booriyay inay soo xaadiraan si looga gudbo hakadka shaqada Baarlamaanka.
Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda dib loo qorsheeyo fadhiga maanta baaqday, iyadoo weli ay taagan tahay doodda ku saabsan sababta keentay in markasto ay ka maqnaadaan xildhibaanada.