Fanaankii Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka iyo Taariikhdiisa?

Alle ha u naxariistee, fanaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal ayaa ku geeriyooday dalka Mareykanka, halkaas oo maalmihii u dambeeyay uu ku xanuunsanaa.

Marxuum Axmed Cali Cigaal wuxuu ka mid ahaa haldooradii fanka Soomaaliyeed, isagoo lahaa cod si weyn ay u jeclaayeen shacabka Soomaaliyeed.In ka badan nus qarni ayuu ka dhex muuqday masraxyada fanka, isagoo qaaday heeso badan oo caan noqday, kana qayb qaatay riwaayado door weyn ku lahaa kobcinta suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Axmed Cali Cigaal waxa uu ku dhashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo sanadkii 1952-kii.

Sannadkii 1958-kii ayuu u soo guuray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe.

Jacaylka uu u qabay fanka ayaa horseeday inuu sannadkii 1966-kii ku biiro iskuul lagu baran jiray muusigga, isagoo laba sano kadib, sannadkii 1968-kii, si rasmi ah ugu biiray mihnadda fanka, kana bilaabay curinta laxannada.

Bilowgiisii fanka waxaa garab weyn siiyay walaalkiis, Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Cali Cigaal, oo ahaa abwaankii u sameeyay heestii ugu horreysay ee uu qaaday, “Bari iyo Galbeed Midkeebaa Na Baantay”, taas oo uu ku soo bandhigay dabayaaqadii sannadkii 1968-kii.

Sidoo kale, riwaayaddii ugu horreysay ee uu masraxa kaga qayb galo waxay ahayd “Yaxaas Dhega Duub” sannadkii 1969-kii, riwaayaddaas oo uu curiyay Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Singub), halka uu Axmed Cali Cigaal ka qaatay doorka aktar ku xigeenka.

Geerida Marxuum Axmed Cali Cigaal ayaa murugo ku reebtay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka iyo suugaanta, kuwaas oo ku xusuusan doona kaalintii uu ka qaatay horumarinta fanka Soomaaliyeed iyo heesihii qiimaha badnaa ee uu bulshada uga tegay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan miro dhal ah laqaatay kaliyaha xogeeyaha guud ee arrimaha dibadda mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Golaha Shacabka oo laalay qaraarkii Xamse ee tartanka xilalka agaasime-waaxeedyada

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laalay qaraar...

TPLF oo la wareegtay garoonka diyaaradaha Mekelle

Wararka ka imanaya gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sheegaya...

Shir lagu ansixiyay qorshaha qaran ee El Niño oo ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Jibriil Cabdirashiid Xaaji...

Puntland iyo mucaaradka oo ka digay doorasho la’aan iyo qorsho ay wadaan

Madaxda Puntland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles