Tuesday, March 3, 2026

Faransiiska oo doonaya in la aqoonsado dowladda Falastiin

12-ka qof ee saarnaa doonta Madleen ee saaka Israa’iil ka qabsatay biyaha badda Mediterranean-ka waxaa ku jirta Rima Hassan oo ah xildhibaanad Faransiiska ku matasha Baarlamaanka Yurub.

Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah baaqyada aqoonsiga loogu raadinayo dowlad ay yeelato Falastiin. Wuxuuna wax ka guddoomin doonaa shir looga hadlayo qaddiyadda Falastiin oo bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobey ee New York.

Shirkan oo ay wada guddoominayaan dalalka Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu baadi goobo xalka labo dowladood oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israa’iil. Hindisahaas oo Israa’iil ay si adag u diiddan tahay.

“Waa in aan hadalka ficil ku darnaa. Waana in aan qaadnaa tillaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa iyo colaadda guud ee u dhexeysa,” ayey tiri Anne-Claire Legendre oo ah la taliyaha Madaxweyne Emmanuel Macron ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Macron ayaa dhawaan Qaramada Midoobey u sheegay in „daruufaha ka jira Qasa ay qasbayaan in la soo nooleeyo rajada dowlad Falastiin ay yeelato”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles