Thursday, November 13, 2025

Farmaajo oo muddo seddex sano ah kadib dib ugu soo laabtay dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib muddo saddex sano ka badan oo uu ku sugnaa dalka Qatar.

Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in uu diiday in si rasmi ah loogu soo dhaweeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo doorbiday in uu si toos ah ugu laabto hoygiisa magaalada Muqdisho. Taageerayaashiisa iyo siyaasiyiin ku dhow ayaa halkaas ku qaabilay.

Soo laabashadiisa ayaa imaneysa iyadoo uu dhowaan ku sugnaa dalka Turkiga, halkaas oo uu kulamo siyaasadeed kula yeeshay kooxdiisa iyo siyaasiyiin kala duwan.

Dib u imaanshaha Farmaajo ayaa loo arkaa mid calaamad u ah bilowga olole cusub oo uu kaga qaybgalayo isbeddellada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan diyaarinta doorashooyinka la filayo.

Waxaa la filayaa inuu Muqdisho ka bilaabo kulamo wadatashi iyo siyaasadeed uu la yeelan doono madax mucaarad ah, xildhibaano iyo aqoonyahanno taageersan aragtidiisa siyaasadeed.

Imaanshihiisa ayaa si dhow loogu eegayaa saameynta ay ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiriirka uu la yeelan doono Villa Soomaaliya, iyo sida ay arrintaasi u beddeli karto miisaanka mucaaradka.

Soo laabashada Farmaajo waxay ku soo beegan tahay xilli uu isa soo tarayo isbaheysiga uu hoggaaminayo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo xiriir dhow la leh Farmaajo, taasoo sare u qaadeysa xiisadda iyo tartanka siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gaaray Magaaladda Kampala ee caasimadda Dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha wadooyinka Dekedda

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir...

Hay’ada WHO oo war ka soo saartay cudurka ka dilaacay Itoobiya

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay inay u...

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

MW Xasan Sheekh oo kormeer ku tagay safaarada Soomaaliya ee Aljeeriya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Wasiirka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles