Tuesday, March 3, 2026

Farmaajo oo MW Xasan Sheekh u jeediyay taladii horey uu u diiday xiligii uu ahaa madaxweynaha Dalka

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ku tilmaamay” waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalka.”

“Sida aan marar badan soo jeedinnay, arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada waa masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho, sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.”

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ku dhiirrigelinaynaa in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey, isagoo abuuraya jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay, iyada oo meesha laga saarayo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaya midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay” ayuu yiri Farmaajo

WARARKII KALE

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Dagaalka Bariga dhexe oo galay Maalintii afaraad

Iraan ayaa gantaallo horleh u riday dhanka Israa’iil, sida...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles