Fayraska Marburg oo ka dillaacay dalka Tanzaaniya

Madaxweynaha dalka Tanzaniya ayaa ku dhawaaqday in uu ka dilaacay dalkeeda Fayraska Marburg oo ah fayras la mid ah Ebola, todobaad uun ka dib markii wasiirkeeda caafimaadka ay beenisay in dalkaasi cudurku uu ka jiro.

Madaxweyne Saamiya Suluhu Xasan ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay Isniintii ku sheegtay in mas’uuliyiinta caafimaadka ay xaqiijiyeen hal kiis oo laga helay gobolka waqooyi-galbeed ee Kagera.

“Waxaan ku kalsoonnahay inaan ka gudbi doono caqabadan mar kale,” ayay tiri Saamiya, iyadoo tixraacaysa cudur horay uga dillaacay Tansaaniya laba sano ka hor.

14-kii Jannaayo, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka warbixiyey shaki laga qabo in Marburg uu ka dillaacay waddanka, iyada oo diiwaangelisay sagaal xaaladood oo looga shakisan yahay iyo siddeed dhimasho ah shan maalmood gudahood.

Laakin wasiirka caafimaadka Tanzaniya Jenista Mhagama ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ka dib markii la baaray, dhammaan dadkii looga shakisanaa fayraska Marburg aan laga helin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles