Wednesday, July 2, 2025

Fiqi oo la wareegay xilka Wasiirka Gaashaandhiga DFS

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi & Wasiirkii hore Wasaaraddda Mudane Jibriil Cabdirashiid

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin leh heerarka kala duwan ee dowladda iyo marti sharaf kale, waxayna ka dhacday xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga isagoo kula dardaarmay in Alle u Fududeeyo xilka loo igmaday.

Mudane Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa sheegay in Wasaarada gaashaandhiga ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan Dowlada ee tiir dhexaadka u ah howlgalada ka dhanka ah cadowga gudaha iyo dibeda.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu dardar gelin doono howgalada dalka looga sifeynayo kooxda Al shabaab.

“Furimaha hore ayaan ka hoggaamin doonaa dagaalka Khawaarijta, waxaana si wanaagsan oo ixtiraam leh ula shaqeyn doonaa Taliska Xoogga, anagoo sixi doona xuquuqda Ciidamada Qaranka.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles