Wednesday, July 30, 2025

Gaari Tesla ah oo ku qarxay bannaanka Hotel uu leeyahay Donald Trump

Qarax gaari, ayaa ka dhacay afaafka hore hotel uu leeyahay Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, hotelka qaraxa uu ka dhacay oo ah mid caan ah ayaa ku yaalla magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada.

War kasoo baxay booliiska magaalada Las Vegas, ayaa lagu sheegay in ay baarayaan qaraxan ka dhashay gaari nooca loo yaqaan ‘Tesla Cybertruck’ ,  waxaana booliiska si gaar ah u baarayaan in qaraxan uu yahay mid argagaxiso iyo in kale.

Booliiska waxa ay sheegeen in qaraxan uu ku dhintay darawalkii gaariga qarxay waday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay todobo qof oo kale oo la dhigay xarumo caafimaad, waxa ayna sheegeen booliiska dadka dhaawacyada qaba in aysan xaaladooda cusleyn.

Gaariga xamuulka ah ee qarxay ayaa laga soo kireeyay gobolka Colorado, waxaana gaariga la sheegay in uu qarxay markii uu tagay afaafka hore ee hotelka uu leeyahay Madaxweyne Trump, gaariga ayaana la sheegay inta uusan qarxin kahor uu bilaabay in uu qiiqo kaddibna uu sameeyo qarax.

Laamaha ammaanka dowladda Mareykanka ayaa baaraya in qaraxan xiriir kala dhaxeeyo weerar gaari iyo rasaas loo adeegsaday oo saacdao kahor qaraxa ka dhacay magaalada New Orleans, weerarkan ayaana lagu dilay dad gaaraya 15-qof , halka tiro intaas kabadana lagu dhaawacay.

Gaariga qarxay ee Tesla, ayaa waxaa soo saarta shirkad uu leeyahay bilyaneerka Elon Musk oo saaxiib dhaw la ah Madaxweyne Trump, waxa ayna maamulka shirkadda sheegeen in baarayaasha kiiskan kala shaqeenayaan qaraxa ka dhashay gaarigaasi.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles