Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Mudane Axmed Xuseen Cilmi.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mundane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda— sharciga nidaamka Xukuumadda iyo abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaannada Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir...

Wadamada Khaliijka oo ka baqaya aargoosiga Iran hadii uu dagaal qarxo

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in hanjabaadaha madaxweyne...

Uganda oo shaacisay in ciidankeeda ay bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay...

Türkiye oo Soomaaliya u soo dirtay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Badda

Dowladda Türkiye ayaa Soomaaliya u soo magacawday Gaashaanle Dhexe...

Suudaan oo Puntland ku dartay meelaha laga keenayo calooshood-u-shaqeystayaasha ka dagaallamaya dalkaas

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay inay dagaal kula jirto kumannaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles