Suudaan oo Puntland ku dartay meelaha laga keenayo calooshood-u-shaqeystayaasha ka dagaallamaya dalkaas

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay inay dagaal kula jirto kumannaan dagaalyahanno ajaanib ah oo ay ku eedeysay in loo soo qoray inay garab ka noqdaan dagaalka ay kula jirto xoogagga Taageerada Degdegga ah (RSF).

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Suudaan, Jeneraal Yaasir Al-Cadaa, ayaa khudbad uu 1-dii November 2026 u jeediyey ciidamo ku sugan Khartuum ku sheegay in dagaalyahannadaas laga keenay dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Koonfurta Suudaan, Nayjar, Itoobiya, Kolombiya iyo waqooyiga Soomaaliya.

Al-Cadaa ayaa si gaar ah u xusay waqooyiga Soomaaliya, isaga oo hadalkiisa laga baahiyey warbaahinta rasmiga ah ee ciidamada Suudaan.

Hadalkan ayaa waxaa uu si gaar ah ula xiriiray Puntland, oo uu ku eedeeyey inay qayb ka tahay meelaha laga soo dirayo dagaalyahannada ajaanibta ah.

Eedeymahan ayaa imanaya xilli dagaalka Suudaan uu galay marxalad adag, iyadoo ciidamada dowladda Suudaan ay muddooyinkii dambe si isdaba joog ah u sheegeen in xoogagga RSF ay dagaalka u adeegsanayaan dagaalyahanno ajaanib ah.

WARARKII KALE

Uganda oo shaacisay in ciidankeeda ay bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay...

Türkiye oo Soomaaliya u soo dirtay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Badda

Dowladda Türkiye ayaa Soomaaliya u soo magacawday Gaashaanle Dhexe...

Axmed Madoobe oo maanta ku laabanaya Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iran

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen doon...

Iran oo shuruud ku xirtay furista Marinka Hormuz

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa wareysi uu...

Dad badan oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Florida

Sagaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles