Axmed Madoobe oo maanta ku laabanaya Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta la filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta.

Axmed Madoobe ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Imaaraadka, halkaas oo uu kulamo siyaasadeed kula yeeshay dhinacyo kala duwan, isaga oo intaas kaddib soo maray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Soo laabashada Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaysa xilli xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay maalmahan wadeen kulamo iyo shirar isdaba joog ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mowqifka laga qaadanayo gogosha wada-hadalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadaas ay sabab u noqdeen in xubnaha Golaha Mustaqbalka ee dalka dibaddiisa ku maqnaa ay dib ugu soo laabtaan goobaha ay ka howlgalayaan, si ay uga qaybqaataan wada-tashiyada iyo go’aannada siyaasadeed ee socda.

Dib ugu laabashada Axmed Madoobe ee Kismaayo ayaa imanaysa iyadoo weli la sugayo mowqif mideysan oo Golaha Mustaqbalka uu ka qaato wada-hadallada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay.

WARARKII KALE

Uganda oo shaacisay in ciidankeeda ay bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay...

Türkiye oo Soomaaliya u soo dirtay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Badda

Dowladda Türkiye ayaa Soomaaliya u soo magacawday Gaashaanle Dhexe...

Suudaan oo Puntland ku dartay meelaha laga keenayo calooshood-u-shaqeystayaasha ka dagaallamaya dalkaas

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay inay dagaal kula jirto kumannaan...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iran

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen doon...

Iran oo shuruud ku xirtay furista Marinka Hormuz

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa wareysi uu...

Dad badan oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Florida

Sagaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles