Uganda oo shaacisay in ciidankeeda ay bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay bilowday dhimista iyo ka bixitaanka ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo muddo ku dhow 20 sano ka qeyb qaadanayay howlgallada amniga ee dalka. 

War-saxaafadeed uu maanta oo Isniin ah soo saaray Gaashaanle Sare Chris Magezi, Ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), ayaa lagu sheegay in ciidanka Uganda ay bilaabeen ka bixitaanka askartooda Soomaaliya, kuwaas oo ku jooga heshiis laba geesood ah oo ay la galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay bayaanka, kooxdii ugu horreysay ee ciidamada Uganda ee qeybta ka ah qorshaha ka bixitaanka ayaa durba dib ugu laabatay dalkooda, iyadoo howlgalka lagu soo afjarayo joogitaanka ciidamadaas la filayo in maalmaha soo socda la dhammaystiro.

Dowladda Uganda ayaa sidoo kale sheegtay inay si tartiib-tartiib ah Soomaaliya ugala bixi doonto dhammaan ciidamadeeda, oo ay ku jiraan kuwa qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo qorshuhu yahay in ka bixitaanka guud la dhammaystiro dhammaadka sannadka 2027.

Tallaabadan ayaa haddii qorshuhu u hirgalo sida lagu dhawaaqay, soo afjari doonta joogitaanka milatari ee Uganda ee Soomaaliya oo socday muddo ku dhow labaatan sano, tan iyo markii ay ciidamadeedu dalka yimaadeen.

Uganda ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya, iyadoo door weyn ku lahayd howlgalladii Midowga Afrika ee AMISOM iyo AUSSOM.

WARARKII KALE

Türkiye oo Soomaaliya u soo dirtay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Badda

Dowladda Türkiye ayaa Soomaaliya u soo magacawday Gaashaanle Dhexe...

Suudaan oo Puntland ku dartay meelaha laga keenayo calooshood-u-shaqeystayaasha ka dagaallamaya dalkaas

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay inay dagaal kula jirto kumannaan...

Axmed Madoobe oo maanta ku laabanaya Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iran

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen doon...

Iran oo shuruud ku xirtay furista Marinka Hormuz

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa wareysi uu...

Dad badan oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Florida

Sagaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles