Tuesday, May 13, 2025

Garsoore Mareykanka ah oo Madaxweyne Biden Ka Hor Istaagay Dhaqangelinta Xeer Cusub

Garsoore Maraykan ah ayaa maamulka madaxweyne Biden ka hor istaagay inuu dhaqan geliyo xeer cusub oo ka dhan ah takoorka ku salaysan aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka, xilli madaxweyne Biden uu caqabado wajahayo.

Xeerkan oo la soo gabagabeeyey bishii May ayaa wuxuu furay tabo cusub oo ay Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Mareykanka (HHS) ku shaqayn lahayd, ayadoo lagu waday inuu dhaqan galo Jimcaha soo socda.

Garsoore Louis Guirola oo ku sugan gobolka Mississippi, ayaa amarkiisa is hor istaagga ah ku sheegay inaan mamnuucidda aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka waxba soo kordhinayn, maamulka Biden-na uusan awooddin inuu dhaqan-geliyo.

mamnuucida federaaliga ah ee takoorka jinsiga, ayaa qayb ah sharciga daryeelka ee caymiska caafimaadka, garsooreyaasha ka soo horjeeda sharcigan cusub ayaana ku sheegay inuu dadka dakhligoodu yar yahay ku qasbi doono inay iska bixiyaan daawaynta iyo qalliimada jinsiga la xariira.

Gobolo badan oo xisbiga Jamhuuriga taageersan ayaa soo saaray sharciyo mamnuucaya arrintan, oo inta badan loo yaqaan daryeelka xaqiijinta jinsiga, ee loogu talagalay da’yarta, Sharcigu wuxuu quseeyaa dadka qaata lacagaha federaalka, oo ay ku jiraan barnaamijyada Medicaid.

WARARKII KALE

Shiinaha oo digniin u diray dalalka heshiisyada la galaya Mareykanka

Shiinaha ayaa ka digay inay ka falcelin doonaan dalalka...

Suudaan oo laga dayrinayo in dumarka ‘hub’ ahaan u istcimaalayaan kooxaha is hayaa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in jidhka dumarku uu noqday...

Iiraan oo shuruudo adag ku xidhay wada-hadalka nukliyeerka iyo Trump oo u hanjabay

Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal...

Turkiga oo si adag uga hadlay duqeymaha Israel ka wado Siiriya

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay Israa’iil, iyadoo...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 03/04/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Jenaraal Maxamed Xamdaan Daagalo oo qirtay in lagaga adkaaday Khartuum

Taliyaha ciidanka gurmadka degdegga ee loo yaqaan RSF Jeneraal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles