Tuesday, March 3, 2026

Gen Odawaa oo tagay deegaanka Bariire ee laga saaray Al-shabaab

Sareeyo Gaas Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta Kormeeray Goobaha ay Ka socdaan Howlgalada Sifeynta Al-shabaab Waxaana uu is dultaagay Talisyada fariisimaha Ciidamada Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhwaan laga saaray Al-shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga.

Taliyaha Guutada 17 Kumaandooska Gor Gor ee XDS Gaashaanle Cali Ahmed Xaashi ayaa Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka kusoo dhaweeyay degaanka isagoona warbixin ka siiyey Jabkii Al-shabaab loogu geystay degaanka Bariire.

Kormeerka Bariire intii uu socday Gen Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga wuxuu la hadlay askarta Xoogga Dalka iyo Ciidanka Uganda si uu ugu muujiyo garab istaag waxaana uu ku Bogaadiyay Guulaha ay ka gaareen Howlgalka Al-shabaab looga xorreynayo Gobolka Shabeelada Hoose.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles