Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay diyaaradaha la celiyay iyo wadahadalada

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxaa ay ugu  ka hadleen xaaladda diyaaradihii la celiyay iyo mustaqbalka wadahadalada siyaasadeed ee dalka.

Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed u caddeyay in uu diyaar u yahay wadahadallo daacad ah oo ku dhisan isfaham, wuxuuna shaaca ka qaaday in dib-u-eegis lagu sameyn doono tubta wadahadalada si loo hubiyo in shirka siyaasadeed uu u socdo si hufan oo ammaan ah.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhiga u ahaa qabsoomidda shirka, iyadoo qayb ka ahayd ogolaanshaha ilaalada gaarka ah ee masuuliyiinta ka qayb galaysa shirka.

Golaha Mustaqbalka ayaa si xooggan u cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda federaalka, isagoo ku tilmaamay “qar iska tuurnimo” oo khatar gelisay noloshii wafuudii diyaaradaha saarneyd.

Goluhu wuxuu ku adkeeyay in siyaasadda dalka ay u baahan tahay wada shaqayn iyo ixtiraam, islamarkaana go’aannada halista ah ay dhaawici karaan kalsoonida shacabka iyo nabadgelyada guud ee shirka.

.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles