Saturday, March 14, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay diyaaradaha la celiyay iyo wadahadalada

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxaa ay ugu  ka hadleen xaaladda diyaaradihii la celiyay iyo mustaqbalka wadahadalada siyaasadeed ee dalka.

Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed u caddeyay in uu diyaar u yahay wadahadallo daacad ah oo ku dhisan isfaham, wuxuuna shaaca ka qaaday in dib-u-eegis lagu sameyn doono tubta wadahadalada si loo hubiyo in shirka siyaasadeed uu u socdo si hufan oo ammaan ah.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhiga u ahaa qabsoomidda shirka, iyadoo qayb ka ahayd ogolaanshaha ilaalada gaarka ah ee masuuliyiinta ka qayb galaysa shirka.

Golaha Mustaqbalka ayaa si xooggan u cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda federaalka, isagoo ku tilmaamay “qar iska tuurnimo” oo khatar gelisay noloshii wafuudii diyaaradaha saarneyd.

Goluhu wuxuu ku adkeeyay in siyaasadda dalka ay u baahan tahay wada shaqayn iyo ixtiraam, islamarkaana go’aannada halista ah ay dhaawici karaan kalsoonida shacabka iyo nabadgelyada guud ee shirka.

.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles