Thursday, March 19, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo War ka soo saaray xaaladda Koofur Galbeed

Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoo si rasmi ah u soo dhaweeyay go’aanka maamulkaas.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), uu yahay mid waafaqsan dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la ansixiyay sanadkii 2012. Waxay xuseen in tallaabadan ay muhiim u tahay ilaalinta nidaamka federaalka, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay qabato doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo waafaqsan dastuurka, si loo xoojiyo hay’adaha dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

Dhanka kale, goluhu wuxuu ugu baaqay maamulada kale ee dalka sida Galmudug iyo Hirshabeelle in ay dedejiyaan hirgelinta doorashooyin heshiis lagu yahay, kuna saleysan dastuurka ku meel gaarka ah iyo mabaadi’da federaalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si adag uga digay in ciidamada qalabka sida loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed, iyagoo ku baaqay in xal kasta lagu raadiyo wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.

Ugu dambeyn, goluhu wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan midnimada, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta kala fogaansho iyo qalalaase siyaasadeed, si loo sugo xasilloonida iyo horumarka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xildhibaan Odowaa oo qorsheynaya inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2026

Xog rasmi ah oo ay heshay warbaahinta Risaala ayaa...

Diyaarad siday ilaalada Guddoomiye Aadan Madoobe oo loo diiday inay tagaan Baydhabo

Maamulka Koofur galbeed ayaa hawada ka soo celisay diyaarad...

DFS oo cambaareysay weerarada lagu qaaday dalalka Khaliijka

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya maanta...

Nicholas Haysom oo geeriyooday isagoo 73 sano jira

Waxaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ku geeriyooday...

Maxkamad ku taala Minnesota oo la soo taagay Gabar Soomaali ah oo lagu helay inay lacag lunsatay

Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Ikraan Maxamed ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles