Friday, February 20, 2026

Golaha Shacabka oo Ansixiyey Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

Codka la qaaday ayaa waxaa ogolaaday 145 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin cid ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ansixinta heshiiskan ay Soomaaliya u fureyso fursado dhaqaale iyo ganacsi oo ballaaran, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo dalka ku biirinaysa suuq ganacsi oo mideysan oo ay ka mid yihiin dalalka Afrika.

Dhanka kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa fariin adag u diray xildhibaannada iyo wasiirrada aan kasoo qaybgelin kulamada Golaha, isagoo yiri:

“Waxaa jiro wasiiro iyo xildhibaanno Muqdisho ku sugan oo aan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka, taasina ma aqbaleyno. Waajib baa idin saaran inaad ka qeyb gashaan shaqada qaranka.”

Guddoomiyaha ayaa ku booriyay dhammaan xubnaha Golaha in ay muujiyaan xilkasnimo iyo mas’uuliyad qaran, si loo dardar geliyo hawlaha sharci dejinta ee horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wasiirada oo xilkii ka qaaday agaasimihii Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Soomaaliya oo ku biirtay dalalka cambaareeyay tallaabooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed

Soomaaliya ayaa ku biirtay in ka badan 100 dowladood...

Deni iyo Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh oo maanta ku kulmaya Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa maanta oo Khamiis ah la filayaa in shir...

Milatariga Mareykanka oo sheegay maalinta ay diyaar u yihiin inay weeraraan Iran

  Saraakiisha ugu sareysa amniga qaranka ayaa madaxweyne Donald Trump...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles