Milatariga Mareykanka oo sheegay maalinta ay diyaar u yihiin inay weeraraan Iran

 

Saraakiisha ugu sareysa amniga qaranka ayaa madaxweyne Donald Trump ku war geliyay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin weerar suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan Sabtida, laakiin ma jiro go’aan kama dambays ah oo uu Trump ka gaaray weerarka.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay CBS Newsee Mareykanka, oo bah wadaag la ah BBC-da, in waqtiga kama dambaysta ah ee tallaabada suurtagalka ah aan la go’aamin oo ay xitaa dhaafi karto Sabtida.

Saraakiisha ayaa sidoo kale u sheegay CBS, in Madaxweyne Trump uusan weli gaarin go’aan kama dambays ah oo uu ku weerarayo Iiraan, halka Aqalka Cad uu si joogto ah ugala tashanayo arrinta, halkaas oo la tixgelinayo khataraha la xiriira tallaabadan, jawaabaha suurtagalka ah, iyo cawaaqib xumada siyaasadeed iyo militari ee ka dhalan karta weerarka.

Waaxda difaaca ee Mareykanka (Pentagon) ayaa si ku meel gaar ah u rari doonta qaar ka mid ah shaqaalaha ka jooga Bariga Dhexe una wareejin doonta Yurub ama Mareykanka saddexda maalmood ee soo socota si looga fogaado aargoosiga Iiraan haddii tallaabo la qaado.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah diyaargarowga caadiga ah mana aha macnaheedu in weerar uu soo socdo, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa diiday inuu ka hadlo arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Caroline Levitt, ayaa tiri, “Waxaa jira cudurdaarro badan oo lagu weerarayo Iiraan, laakiin mudnaanta koowaad ee madaxweynuhu had iyo jeer waa diblomaasiyadda”

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles