Golaha Wasiirada Dowlada Hirshabelle oo ansixiyay filashada miisaaniyadda 2026ka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.

Ugu horeyn waxaa shirka Golaha lagu dhaariyey Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose, Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha.

Wasaaradda Amniga, ayaa Golaha la wadaagtay weerar ay fuliyeen macawiisleeyda degmada Mahadaay oo lagu khaarijiyey horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha ayaa Golaha Wasiirrada u soo gudbisay xeerka qoondeynta miisaaniyadda 2026-ka.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa su’aallo isla xisaabtan ah shirka ku weydiiyey qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada kuwaas oo u badnaa shaqooyin hor-tebin leh oo qaarkood gaabis ku yimid.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa u soo bandhigtay Golaha Wasiirrada warbixin ku saabsan warbaahinta iyo dalxiiska.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ayaa ansixiyey filashada miisaaniyadda sannadka 2026-ka taas oo ah $44,355,094.12

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles