Golaha Wasiirada Dowlada Hirshabelle oo ansixiyay filashada miisaaniyadda 2026ka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.

Ugu horeyn waxaa shirka Golaha lagu dhaariyey Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose, Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha.

Wasaaradda Amniga, ayaa Golaha la wadaagtay weerar ay fuliyeen macawiisleeyda degmada Mahadaay oo lagu khaarijiyey horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha ayaa Golaha Wasiirrada u soo gudbisay xeerka qoondeynta miisaaniyadda 2026-ka.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa su’aallo isla xisaabtan ah shirka ku weydiiyey qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada kuwaas oo u badnaa shaqooyin hor-tebin leh oo qaarkood gaabis ku yimid.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa u soo bandhigtay Golaha Wasiirrada warbixin ku saabsan warbaahinta iyo dalxiiska.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ayaa ansixiyey filashada miisaaniyadda sannadka 2026-ka taas oo ah $44,355,094.12

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles