Monday, March 16, 2026

Golaha wasiirada oo ansixiyay 9-ka musharax ee guddiga xuquuqul Insaanka

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay si aqlabiyad ah u ansixiyay 9 Murrashax ee Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo ay soo gudbisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Go’aankan waxaa lagu gaaray si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha, Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo iyada oo la tixraacayo Qodobka 17aad, farqaddiisa (1) ee Sharci Lr. 16 ee 27 Juunyo 2016, kadib markii la sameeyay hab-raac xulid oo adag, hufan, oo daah-furan, si buuxanna u waafaqsan Qodobada 8aad, 15aad iyo 16aad ee isla sharcigaas.

Murrashaxiinta waxaa lagu soo xulay iyadoo lagu saleynayo kartidooda, daacadnimadooda, iyo hufnaantooda, iyo iyada oo la raacayo habraacyada caalamiga ah, gaar ahaan Mabaadi’da Baariis iyo Gunaanadyada Guud ee GANHRI (Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Qaran).

Xubnaha Guddiga oo ka kooban sagaal ayaa waxay kala yihiin:

1.⁠ ⁠ Axmed Shiikh Xamsa Abshir

  1. Cali Maxamed Cilmi
  2. Cumar Cabdulle Calasow, (PhD)
  3. Dr Maryam Qaasim Axmed
  4. Faadumo Cabdiqani Yuusuf
  5. Farxaan Maxamed Jimcaale
  6. Maxamed Cismaan Maxamuud, (PhD)
  7. Maxamed Haaruun Maxamuud
  8. Muumina Shiikh Cumar

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo magacawday Afhayeen cusub una diyaar garowday dagaal

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi...

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran Hindiya

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Dilka Askari Ka Tirsanaa Booliiska Puntland oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca waqooyi, lagu...

Khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay MW Xasan Sheekh iyo Lafta Gareen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf siyaasadeed oo...

Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish

Wang Yi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee China, ayaa kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles