Sunday, March 1, 2026

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay
Waddooyin laga dhisay Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles