Thursday, March 13, 2025

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay
Waddooyin laga dhisay Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Maxey Ka Wada Hadlen Cali Guudlawe iyo Mr. Richard H. Riley.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo waqti...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Sudan ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NISA oo sheegtay in duqeyn lagu dilay Horjoogayaashii Qaraxyada iyo Maaliyadda gobollada Banaadir iyo Sh Hoose

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska NISA ayaa waxaa lagu...

Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS oo anisixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles