Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka deegaanka ayaa la wareegay Deegaannada Buurweyn iyo Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah Saraakiisha iyo masuuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey qabashada labadaan deegaan ee hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Hase yeeshee, ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijineysa in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku ay shabaab kala wareegeen deegaanada ka tirsan Hiiraan.
Ciidamada Milatariga ayaa sidoo kale howlgalo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,waxayna howlgaladan ku soo beegantay xilli shalay uu la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.