Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa 30-ka Sebtember 2026 u asteeyey doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, kadib go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka.
Guddiga ayaa sidoo kale isla 30-ka Sebtember u asteeyey doorashada isku-sidkan ee HirShabeelle, oo markii hore loo qorsheeyey 20-kii Agoosto balse dib loo dhigay.
Doorashada HirShabeelle,Jadwalku wuxuu dhigaya in 2-da Sebtember la shaaciyo liiska hordhaca ah ee diiwaanka codbixiyeyaasha, halka 15-ka Sebtember la asteyn doono lana shaacin doono xarumaha iyo goobaha codbixinta.
Diiwaangelinta iyo qeybinta kaararka codbixiyeyaasha ayaa la qorsheeyey 16-ka Sebtember, halka maalinta xigta la soo gudbin doono lana xaqiijin doono liiska musharrixiinta Golaha Wakiillada iyo goleyaasha degmooyinka.
Guddiga ayaa 19-ka Sebtember shaacin doona liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha, halka 22-ka Sebtember la shaacin doono liiska musharrixiinta ururrada siyaasadda.
Ururrada ayaa 24-ka Sebtember soo gudbin doona wakiilladooda goobaha codbixinta, waxaana aqoonsi la siin doonaa wakiillada iyo korjoogtada 26-ka Sebtember. Ololaha ayaa xirmaya 28-ka Sebtember.
Jadwallada cusub waxay ka dhigan yihiin in Galmudug iyo HirShabeelle ay labaduba codbixin geli doonaan 30-ka Sebtember, iyadoo Galmudug dib loogu celinayo doorasho ay Maxkamadda Sare burisay natiijadeedii hore, halka HirShabeelle ay qabaneyso doorasho markii hore dib loo dhigay.


